Aayado Cajiiib ah (Qur'aanka Kariimka)

Halkan waxaad ka heli doontaa qaar ka mid ah aayadaha Qur'aanka Kariimka ah ee xikmadda iyo hanuunka badan, oo Carabi ku qoran laguna turjumay af-Soomaali.

1. Sinada

وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا

Ha u dhowaannina sinada, hubaal waa faaxisho (wax xun) oo waddo xun (ayay tahay).

Suuradda Al-Israa (17:32)

2. Cadaaladda

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ

Kuwa xaqa rumeeyow! Noqda kuwa u taagan (xaqa) Alle, oo marag uga ah caddaalad. Ha idin celinina cadaawad aad u qabtaan qoom (gaal ah) inaanad cadaalad samayn. Cadaalad sameeya; waa ta ugu dhow taqwada (Alle ka cabsidda). Alle ka baqa, hubaal Alle wuu og yahay waxaad samaysaan.

Suuradda Al-Maa'idah (5:8)

3. Dilka

وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا

Qofkii dila mu'min isagoo ula kac ah, abaalkiisu waa Jahannamo isagoo ku waari, Alle wuu ka cadhooday, wuu nacladay, wuxuuna u diyaariyay cadaab weyn.

Suuradda An-Nisaa (4:93)

4. Naxariista

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ

Kumaan ku soo dirin waxaan ahayn naxariis u ah Caalamka (oo dhan).

Suuradda Al-Anbiyaa (21:107)

5. Sabarka

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ

Kuwa xaqa rumeeyow! Kaalmo ka doona (Alle) Sabarka iyo Salaadda. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa sabra.

Suuradda Al-Baqara (2:153)

6. Kibirk

وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ

Dhulkana ha ku socon kibir. Hubaal Alle ma jecla qof kasta oo kibir badan oo faan badan.

Suuradda Luqmaan (31:18)

7. Xaasidnimada

وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ

(Waxaan ka magan galay) sharka xaasidka markuu xaasido.

Suuradda Al-Falaq (113:5)

8. Waalidka

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا

Rabbigaa wuxuu go'aamiyay inaanad caabudin waxaan Isaga ahayn, iyo waalidka (inaad u samaysaan) wanaag. Haddii midkood ama labadoodaba ay da' yeeshaan agtaada, ha odhanin 'uf!' (eray cadho muujinaya), hana ku qaylinin, oo u la hadal hadal sharaf leh.

Suuradda Al-Israa (17:23)

9. Waxbarashada / Cilmi Barashada

قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ

Dheh: "Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan (cilmi leh) iyo kuwa aan wax aqoon? Waxaa xusuusta kuwa caqliga leh (fahmanka leh)."

Suuradda Az-Zumar (39:9)

10. Xaaska Wanaagsan

وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Aayaadkiisa waxaa ka mid ah inuu idiin abuuray naftiina lammaaneyaal (xaasas), si aad ugu nasataan, wuxuuna idinka dhex dhigay kalgacal iyo naxariis. Hubaal arrinkaas waxaa ku jira calaamado (ayaado) dadka fikiraya.

Suuradda Ar-Ruum (30:21)